Wax badan ka ogow: Xubnaha waxaa laga yaabaa inay dhib kala kulmaan inay ka helaan daawooyinka farmasiyada qaarkood.

Dooro luuqad

Wax badan akhri: Dheefaha barnaamijka Isku-xirka OHP ee lagu faahfaahiyey bogga guudmarka dheefahaaga.

Caymiska OHP ee ilkaha ee carruurta iyo dhalinta aan waraaqaha haysan

Guji su'aalaha hoose si aad u aragto jawaabta.

A: OHP Ayaa Hadda I Dabaro! waa barnaamijka Oregon ee lagu helo caymiska daryeelka caafimaadka -Qorshaha Caymiska Caafimaadka ee Oregon (OHP)-ee dhammaan carruurta iyo dhalinta gobalka, iyadoon loo eegaynin xaalada socdaalka. Waxaa kamid ah daryeelka caafimaadka ee jirka, ilkaha iyo habdhaqanka. Dhammaan adeegyada la dabaro waa lacag la'aan. Si aad wax badan uga ogaato adeegyada la dabaro gal oregon.gov/oha/HSD/OHP/Pages/OHPcoversme.aspx.

A: Sharciga gobolka ayaa mamnuucaya in xogta xubinnimada iyo daryeelka ee barnaamijkan gobolka lala wadaago saraakiisha socdaalka ee federaalka, oo CareOregonna waxaa sidoo kale ka go'an midaan.

A: Maamulka Caafimaadka Oregon ayaa bilaabay barnaamijka Jan. 1, 2018. Ka-qaybgalayaasha ayaa hadda daryeel caafimaad ka hela Ururka Daryeelka La Isuduway (CCO) ee deegaankooda ee maamula OHP. CCO-yada waxay kaa caawinayaan inaad hesho dhakhaatiirtaada, daawooyinkaaga iyo adeegyada kale ee caafimaadka.

A: Dhammaan carruurta ay da'doodu ka yar tahay 19 (ay ku jiraan dadka uurka leh) kuwaas oo aan lahayn degenaansho sharci kuna nool qoysaska Oregon oo leh heer dakhli oo dhan kuna jiraan 305 boqolkiiba oo kamid ah  Heerka Saboolnimada ee Federaalka ($76,555 sanadkii qoyska afarta qof ka kooban). Taasi waxay noqonaysaa ku dhawaad 17,000 oo ah dhalinyarada ku nool gobolka.

A: Haddii aad leedahay ilmo buuxinaya shuruudaha xaq u yeelashada, waa inaad iska qortaa Qorshaha Caymiska Caafimaadka ee Oregon. Waxaad gali kartaa onleenka ama ka wici kartaa taleefanka: 800-699-9075 ama 711 wixii ah TTY. Qoysaska ay carruurtooda horay uga diiwaangashanaayeen CAWEM waxay u baahan yihiin inay ka wacaan Waaxda Adeegyada Macaamiisha ee OHP lambarka 800-273-0557. Waxaa jira ururo bulsho u sharciyeysan inay ku caawiyaan. Waxaad ka heli kartaa barta healthcare.oregon.gov/Pages/find-help.aspxm,

A: Barnaamijka wuxuu dabaraa isla adeegyada jidhka, habdhaqanka, iyo daryeelka ilkaha ee uu dabaro qorshaha caymiska Medicaid ee OHP Plus. Tusaale ahaan, baaritaannada, daryeelka ilkaha, muraayadaha indhaha, iyo daawooyinka dhakhtarku qoro. Wuxuu sidoo kale dabaraa baaritaannada sheybaadhka, raajooyinka, daryeelka isbitaalka, turjubaanada luuqadda ee balamaha, gaadiidka lagu tago ee lagaga soo noqdo xafiiska dhakhtarka ilkaha, iyo gaadiidka goobaha kale ee la xidhiidha caafimaadka. Waxaad ka heli kartaa dhammaan dheefaha Buug-gacmeedka Qorshaha Caymiska Caafimaadka ee Oregon.

Waxaad ku heli kartaa Buug-gacmeedka Qorshaha Caymiska Caafimaadka ee Oregon luuqado kale, farta waaweyn, hab qoraaleedka camoolaha ama qaab aad adiga jeceshahay oo bilaash ah adigoo kala xidhiidhaya Adeegyada Macaamiisha ee Qorshaha Caymiska Caafimaadka ee Oregon oregonhealthplan.changes@dhsoha.state.or.us, 1-800-273-0557 ama 711.

A: Qorshaha caymiska ilkaha ee la siiyay ilmahaaga ayaa ka caawin kara inuu helo dhakhtar ilko oo aqbalaya bukaano cusub. Waxaad dalban kartaa mid buuxinaya baahiyahaaga, sida mid ku yaala meel kuu dhaw ama leh shaqaale labo luuqadood ku hadla. Haddii aad u haysato Caymiska Ilkaha ee CareOregon qorshahaaga caymiska ilkaha ahaan, waxaad ka raadsan kartaa dhakhtarka ilkaha websaydkeena.

A:  Waxaa gebi ahaanba maalgeliyo gobalka, ma ahan Medicaid-ka federaalka ama  Children's Health Insurance Program (Barnaamijka Caymiska Caafimaadka ee Carruurta) (CHIP). Dheefaha waxay lamid yihiin kuwa Medicaid, balse ma ahan qorshaha caymis ee Medicaid. Qorsheyaasha caymiska ee Medicaid waxaa maalgeliyo dawladaha gobolka iyo federaalka labadaba. Waxaa loogu talagalay dadka si sharci ah u deggan oo keliya. OHP Ayaa Hadda I Dabaro! waxaa gebi ahaanba lacagtiisa bixiya gobalka wuxuuna dabari karaa dhammaan dadka buuxiya xadadka da'ada iyo dakhliga, iyadoo aan loo eegaynin xaalada socdaalka.

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!