Wax badan ka ogow: Xubnaha waxaa laga yaabaa inay dhib kala kulmaan inay ka helaan daawooyinka farmasiyada qaarkood.

Dooro luuqad

Wax badan akhri: Dheefaha barnaamijka Isku-xirka OHP ee lagu faahfaahiyey bogga guudmarka dheefahaaga.

Cudurka cirridka

Cudurka cirridku waa bararida unugyada ku wareegsan ilkaha. Mararka qaarkood waxaa jira astaamo, laakiin badanaa waxay noqon karaan kuwo aan xanuun lahayn. Huuradu waa shay jilicsan oo dhegdheg leh oo ay ku soo saarto bakteeriyada afka maalin kasta. Maadaama ay huurada jilicsan tahay, waxaa laga soo saari karaa ilkaha marka la cadayanayo oona la findhicilinayo. Cudurka cirridka guud ahaan wuxuu bilaabmaa marka huuradan dhegdhega ah aan la saarin. Waqti ka dib, huurada dhegdhega ah way adkaan kartaa oo waxay ku samayn kartaa huuro adag dusha ilkaha. Cadayashada iyo findhicilintu ma saari karaan kama huurada adag ee ku sameysmata dusha ilkaha. Nadiifinta ilkaha ayaa loo baahan yahay si meesha looga saaro huurada adag ee ka sameys matay dusha ilkaha. Waxaa jira laba nooc oo waaweyn oo cudurka ciridka ah: caabuqa barariya cirridka iyo caabuqa waxyeeleeya ciridka iyo lafta daanka.

 

Cudurka barariya ciridka wuxuu saameeyaa unug jilicsan - ciridyadu waxeey noqon karaan casaan, barar-jilicsan oona barari karaan, oona dhiig-bixi karaan. Waa nooca ugu fudud ee cudurka ku dhaca ciridka. Iyadoo la sameenayo ku daryeelida guriga ee wanaagsan (cadaysashada iyo findhicilinta) oo daryeel xirfadeed (nadiifinta ilkaha), caabuqa ciridka waa laga soo kabsoon karaa.

 

Haddii cudurka cirridka aan la xal laga gaadhin, wuxuu u horseedi karaa inuu isku beddelo cudurka waxyeeleeya ciridka iyo lafta daanka. Cudurka waxyeeleeya ciridka iyo lafta daanka ayaa ah mid aad u daran. Wuxuu ku lug leeyahay unugyada jilicsan iyo lafta labadaba ee taageera ilkaha. Wuxuu ku keeni karaa raaxo-dari, barar iyo dhiigbax ciridka. Waad qabi kartaa sidoo kale, xitaa haddii cirridkaagu aanu bararin oo aanu dhiig bixin. Cudurka waxyeeleeya ciridka iyo lafaha daanka wuxuu keenaa luminta lafaha ku hareereysan ilkaha, kuwaas oo aan dib loo soo celin karin. Marka uu qofku qabo cudurka waxyeeleeya ciridka iyo lafaha daanka, yoolka nadiifinta joogtada ah iyo daryeelka wanaagsan ee guriga lagu sameeyo waa in lafo-beelka laga ilaaliyo inay sii xumaato. Haddii lafo lumintu ay aad u daran tahay - oo loo yaqaan cudurka horumaray ee waxyeeleeyada ciridka iyo lafta daanka - ilkuhu way dabacsanaan karaan, taasoo horseedda inay ilkuhu daataan.

 

Qaar ka mid ah arrimaha halista u ah korodhida cudurka oo ay ku jiraan da'da, walbahaarka, daawooyinka qaarkood, sigaar-cabida, iyo qaar ka mid ah cudurrada habdhiska jidhka (oo ay ku jiraan sonkorowga). Dadka sigaarka cabba waxay labanlaab ka badan yihiin kuwa aan sigaarka cabbin inuu ku dhaco caabuqa waxyeeleeya ciridka iyo lafta daanka, dadka qabana cudurka sonkorta ayaa laba ilaa saddex jeer uga dhow inuu ku dhaco cudurka waxyeeleeya ciridka iyo lafta daanka marka loo eego dadka aan qabin cudurka sonkorowga.

 

Dhakhtarkaada adeega ilkaha wuxuu ku saari doonaa raajo wuxuuna cabbiri doonaa ciridkaaga ku yaala agagaarka ilkahaaga si uu u qiimeeyo xaaladooda. Iyada oo ku saleysan xaaladda ilkahaaga iyo ciridyadaada, dhakhtarkaaga ilkaha iyo nadaafadiyaha ilkahaaga ayaa go'aamin doona nooca nadiifinta aad u baahan tahay iyo inta jeer ee aad u baahan tahay in ilkahaaga la nadiifiyo. Nadiifinta ilkaha ee wakhtiga hore iyo joogtaynta waxay kaa caawin kartaa xasilinta cudurka waxyeeleeya ciridka iyo lafta daanka waxayna ka hortagtaa inuu ka sii daro.

 

garaaf-macluumaadeed muujinaya farqiga u dhexeeya cirridka caafimaadka qaba iyo cirridka qaba cudurka waxyeeleeya ciridka iyo lafta daanka.

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!