Wax badan ka ogow: Xubnaha waxaa laga yaabaa inay dhib kala kulmaan inay ka helaan daawooyinka farmasiyada qaarkood.

Dooro luuqad

Wax badan akhri: Dheefaha barnaamijka Isku-xirka OHP ee lagu faahfaahiyey bogga guudmarka dheefahaaga.

Ilkaha macmalka ah iyo daryeelka ilkaha macmalka ah

dumar da' ah oo ilko qabta ilko macmal ah oona dhoola cadeynaysa.

Ilkaha macmalku waa ilko been abuur ah oo bedeli kara qaar (ilko macmal ah oo qeyb ah) ama dhammaan (ilko macmal ah oo dhammaystiran) ilkaha ka maqan qof afkiisa. Waa kuwo la soo saari karo oo waxaana la dulsaaraa dusha cirridka. La kulmida dhakhtarka ilkaha ugu yaraan hal mar sannadkii waa fikrad wanaagsan, xitaa kuwa xidhan ilkaha macmalka ah. Dhakhtarka ilkaha waxa uu eegi doonaa caafimaadka ciridkaga, kaa baadhi doona kansarka afka oo hubin doona haboonaanshaha ilkahaaga macmalka.

 

Daryeel ilkahaada macmalka ah

 

Waa muhiim inaad daryeesho ilkahaaga macmalka ah maalin kasta. Ku tiiri shukumaan ama oogo jilicsan marka aad ilkahaaga macmalka ah iska soo bixiso. Marka aad sidan sameeneyso, aad bay u yaraaneysa inay jabaan haddii ay kaa dhacaan. Biyo raaci ilkahaaga macmalka ah si aad cuntada uga saarto kadib cunto cunis kastaa ka dib. Isticmaal burushka loogu talagalay ilkaha macmalka ah ama burushka leh burushyada caday ee jilicsan si aad u nadiifiso ilkahaaga macmalka ah maalin kasta. Tani waxay meesha ka saaraysaa xuubka bakteeriyada ee ku dulsameysma ilkahaaga macmalka ah. Ilkahaaga macmalka ah ku kaydi biyo leh heerkulka qolka ama xalka loogu talagalay nadiifinta ilkaha macmalka ah habeenkii.

 

Daryeel afkaaga

 

Waxaa fiican inaad habeenkii ka soo saarto ilkahaaga macmalka ah afkaaga markaad huruddeyso. Tani waxay ciridkaaga siinaysaa fursad ay ku nastaan waxayna kaa caawinaysaa inaad ka fogaato nabarrada ama caabuqyada si afkaagu u ahaado mid caafimaad qaba. Ku caday ciridyadaada, carrabkaaga iyo dhamxanaga afkaaga buraash jilicsan. Arag dhakhtarkaaga ilkaha ugu yaraan hal mar sannadkii si ay u xaqiijiyaan in afkaagu caafimaad qabo. 

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!