Wax badan ka ogow: Xubnaha waxaa laga yaabaa inay dhib kala kulmaan inay ka helaan daawooyinka farmasiyada qaarkood.

Dooro luuqad

Wax badan akhri: Dheefaha barnaamijka Isku-xirka OHP oo lagu sharraxay wacaashii bixiyaha ee ugu dambaysay.

Dhakhtarka Ilkaha ee Socda ee Native American Rehabilitation Association

NARA dib ayaa loo qaabeeyay

Ujeedada Native American Rehabilitation Association waa inay siiyaan waxbarashada, adeegyada caafimaadka jidhka iyo maskaxdaba iyo daaweynta mukhaadaraadka lala qabatimay kuwaasi oo dhaqan ahaan habboon Hindida Ameerikaanka, Dhaladka Alaska iyo qof kasta oo u baahan. Ujeedadoodu waa in la gaaro heerka ugu sarreeya caafimaadqabka jidh ahaan, maskax ahaan iyo ruux ahaan ee dadka Hindida Ameerikaanka iyo Dhaladka Alaska ah.

Yoolka

CareOregon Dental waxa ay bixisay $372,333 maalgelinta waxayna siisay caawimo farsamo oo joogto ah iyo taageero Native American Rehabilitation Association (NARA) intii lagu guda jiray labadii sano ee mashruuca socday. NARA waxay doonayeen inay ku daraan adeegyadooda ilkaha iyo daaweynta iyo dedaaladooda wacgalinta bulshada. NARA waxa ay ugu talogashay inay tani ku gaarto iyada oo isku daraysa barnaamijka waxbarashada ilkaha, habka gudbinta, iyo kala qaybqaadashada wakaaladaha hore usii jiray ee adeegyada Hindida Ameerikaanka/Dhaladka Alaska.

Natiijooyin:

  • Abuuridda qorshaha tababarka shaqaalaha
  • Soosaarista oo bilaabidda qorshe suug-gayneed.
  • Dalbashada mashiinada qallajinta ee la qaadi karo, mishiinada raajada shucaaca ee la qaadi karo, qalabka Dexis ee sawirka ilkaha iyo dhammaan qalabka lagama maarmaanka u ah bixinta daaweyn ilko oo joogto ah
  • Shaqaalaysiinta isku-duwaha is dhexgalka iyo xeeldheeraha nadaafadda
  • Samaynta qalab waxbarasho oo waxbarashada caafimaadka ilkaha ah dhaqankana u gaar ah ayna kujiraan qalabka tababarka, soo jeedin, xogsidayaal iyo qalabka kale ee waxbarashada
  • Abuurista qorshaha tababarka ee shaqaalaha hadda iyo kuwa mustaqbalka, fulinta tababarka bilawga shaqaalaha

NARA - Khayraadka

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!