Wax badan ka ogow: Xubnaha waxaa laga yaabaa inay dhib kala kulmaan inay ka helaan daawooyinka farmasiyada qaarkood.

Dooro luuqad

Wax badan akhri: Dheefaha barnaamijka Isku-xirka OHP ee lagu faahfaahiyey bogga guudmarka dheefahaaga.

Uurka iyo daryeelka afka

Naag uur leh oo gacanta caloosha ku haysa oona farfiiqeysa dhoolla caddaynteeda.Inta lagu jiro xilliga uurka, ilkaha iyo ciridyada waxay u baahan yihiin fiiro gaar ah. Daryeelka ilkaha ee caadiga ah iyo kuwa degdega ah labadaba inta lagu jiro xilliga uurka waa kuwo badbaado ah, lagu taliyay oona muhiim u ah qofka uurka leh iyo ilmahooda soo koraya.

 

Waxaa ka dhici kara isbeddello badan afkaaga xilliga uurka!

  • Isbeddellada hoormoonka ayaa sababi karaan cirridyadu inay si fudud u dhiig baxaan iyo/ama bararaan.
  • Xanuunka walaca ayaa sidoo kale laga yaabaa in uu khatar ku yahay caafimaadka afkaaga
  • Isbeddelka ku imaada cuntada - rabitaanka cunto fudud oo badan ama jamasho badan

 

Nadiifinta ilkuhu waxay kaa caawin doontaa dhimista tirada bakteeriyada ku jirta afka, iyadoo markaa kaa caawinaysa yaraynta bararka cirridyadaada oona ka hortageysa suuska iligga. Tan waxay sidoo kale caawin kartaa ilmaha ka dib markay dhashaan! Suuska ilkaha ayaa ah cudurka ugu badan ee daba-dheeraada ee carruurta ku dhaca. Bakteeriyada sababta suuska ilkuhu waxay si ula kac ah uga gudbi kartaa waalidiinta oona u gudbi kartaa carruurta iyadoo mareysa hawlaha caadiga ah. Candhuufta iyo bakteeriyadu waxaa la wadaagi karaa iyadoo marka laga nadiifiyo mujuruca ama dhalada afkaaga, iyo wadaagista maacuunta, koobabka ama burushyada cadayga. Ugu tagi dhakhtarka ilkaha si joogto ah waxay hoos u dhigi kartaa bakteeriyada ku jirta afka qofka uurka leh waxayna aad u yaraynaysaa xadiga bakteeriyada lala wadaagayo ilmaha.

 

Halkan waxaa ku qoran qaar ka mid ah waxyaabaha qofka uurka leh uu samayn karo si ay afkooda u daryeelaan:

  • Sameyso ballan-qabsi ilko daryeelid oo joogto ah.
  • Caday ilkaha laba jeer maalin kasta oona findhicili maalin kasta si aad u ilaaliso nadaafadda afka.
  • Ku xaddid cuntooyinka ay ku jirto sonkorta waqtiyada cuntada haddii ay suurtagal tahay; u cunista cuntooyinka fudud ee sokorta badan leh si joogto ah waxay ku keeni kartaa godadka gudaha ilkaha.
  • Dooro biyaha oo iska ilaali cabitaannada kaarboonka leh ee sonkorta leh.
  • Dooro midho halkii aad ka dooran lahayd casiirka midhaha ka sameysan.
  • Haddii aad qabtid walac, ku luqluqashada afkaaga hal qaado oo fixiso adoo ku shubeysa galaas biyo ah ka dib marka aad xanuunsantahay waxay kaa caawin kartaa inaad ka hortagto waxyeelo soo gaarto ilkahaaga.

 

Dhakhtarka ilkuhu wuxuu awood u leeyahay:

  • Eegida godadka iyo cudurka cirridka, kuwaas oo jiri kara xitaa calaamado la'aan.
  • Bixinta macluumaad ku saabsan sida looga hortago dhibaatooyinka ilkaha.
  • Bixinta daryeel si afkaagu u ahaado mid caafimaad qaba.

 

Waxyaabaha waalidku samayn karo si uu u daryeelo afka ilmahooda:

  • Ku tirtir ilkaha ilmaha ka dib markaad quudiso maro jilicsan ama caday leh burushyo jilicsan.
  • Ka fogaaw inaad sariirta ku seexiso ilmaha isagoo afka ku heysta masaasad ama koobka waxyaabaha laga kabado oo ay ku jiraan wax aan biyo ahayn.
  • Xadid hab-dhaqanada wadaagi kara candhuufta, sida la-wadaagisa qaaddada marka aad dhadhaminayso cuntada ilmaha ama ku nadiifinta mujuruc dhacay afka.
  • Xaqiiji in dhammaan xubnaha qoyska ay si joogto ah u booqdaan dhakhtarka ilkuhu si ay afkooda ugu ilaashadaan mid caafimaad qaba, sidoo kale.
  • Booqo dhakhtarka ilkaha. Booqashada ugu horeysa ee ilmaha ee uu ku arkayo dhakhtarka ilkuhu waa in ay noqotaa marka ilmuhu jiro 12 bilood ama marka iliga koowaad uu soo baxo.

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!